Saturday, July 27, 2024

Somaliland: Wakiilada iyo Guurtida oo heshiis ka gaaray xeerarkii doorashooyinka

Hargeysa (Dawan)- Shirgudoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somalialnd ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii ka jiray xeerarkii doorashooyinka iyo ururada siyaasadda, waxeyna soo saareen qodobada soo socda;

  • In Golaha Guurtidu ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha wax ka beddelka xeerka lr.91/2023 oo ah xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeer lr 14/ 2023 oo ah xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda
  • Madaxweynuhu waa inuu kusoo celiyaaa wax beddelka labadaas xeer Golaha Wakiilada muddada ugu dhaqsiyaha badan (lama xadidin waqti)
  • Hadduu Madaxweynuhu soo celiyo labada xeer waxay Golaha Wakiiladu u gudbinayaan Golaha Guurtida muddo 3 maalin guduhood ah laga bilaabo taariikhada lasoo celiyay.
  • Golaha Guurtidu waa inuu uga soo jawaaba labada xeer muddo 10 maalmood guduhood ah kadibna kusoo celiya Golaha Wakiilada si ay ugu sii gudbiyaan Madaxweynaha.
  • In labada Gole ay sameystaan xeer hoosaad ay ku maamulaan nidaanka xeer dejinta.
  • Labada Gole fasax ma geli karaan ilaa laga dhmaystirayo wax ka beddelka xeerka doorashooyinka iyo nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda
  • In doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo tartanka ururada/ siyaasada la qabto November 2024
  • In laga noqday dhamaan waraaqihii ku saabsanaa labadaan xeer ee kasoo kala baxay Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida xilligii khilaafka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here