Saturday, July 27, 2024

Maxaa laga diiwaan geliyay koobkii M/ Goboleedyada iyo G/Banaadir?

Muqdisho (Dawan)- Faanka ficil ayaa noo dheer waa halku dhigga ay sannadkaan adeegsanayeen ku guuleystayaasha tartanka ugu xiisaha badan gayiga Soomaalida ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ciyaar ku soo dhamaatay garba siman waqtigii loogu talagay ee 90-ka daqiiqo balse gool ku laadyo ay guusha ku raacday xulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa galabtii Isniinta (29 January 2024) lagu soo gaba gabeeyay garoonka tuulada ciyaaraha ee stadium Muqdisho.

Sidee Galmudug iyo Hirshabeelle kusoo gaareen finaalka tartanka?

Galmudug ayaa inta uu tartanka socday waxa ay soo garaacday xulalka Jubbaland, Koonfur-Galbeed, iyo Gobolka Banaadir oo ay kaga soo adgaatay ciyaarta afar dhamaadka halka ay bareejo la gashay Hirshabeelle kulankii furitaanka tartanka iyada oo la kulantay hal guul darro kadib markii ay Banaadir uga adkaatay 2 iyo 1.

Hirshabeelle ayaa soo martay dariiq ka fudud kaas iyada oo farxadda guusha dhadhamisay kaliya hal kulan balse awoodda Dastuurka kubadda cagta ku aruursatay dhibcaha ay ku muteysatay inay kusoo baxdo kaalinta koowaad ee Group-yada.

Seddex dhibcood ayay ka heshay ganaax la saaray Gobolka Banaadir kadib markii ay taarayaashooda ay rabshado ka sameeyeen ciyaartii ay wada ciyaareen Hirshabeelle iyo Banaadir, sidoo kale waxa ay si fudud ku heshay seddex dhibcood kadib markii ay Koonfur Galbeed ka baxday tartanka.

Marka laga soo tago kulankii koowaad oo ay Galmudug la galeen bareejo, waxa ay rigoorayaal uga badiyeen afar dhamaadki Maamul Goboleedka Jubbaland oo aan soo bandhigin sannadkaan ciyaar wanaagii ay caanka ku ahaayeen.

Isku milanka siyaasadda iyo ciyaaraha

Ku guuleystayaashii ugu horeyay tartanka ee Puntland kama soo qeyb gelin sabab loo tiiriyay isku milanka siyaasada iyo ciyaaraha, Koonfur Galbeed waa iskaga baxeen tartanka iyaga tabasho ka ah ciidanka amaanka oo dayacay ciyaariyahanadooda kadib weerar lagu qaaday baska ay saarnaayeen ciyaaartooyda Koonfur Galbeed

Maamulka SSC Khaatumo ayaa markii ugu horeysay lagu soo daray liiska xulalka ka qeyb qaadanaya tartanka, balse buuq ka dhashay arrintaas kadib waa laga saaray.

Si kastaba ha ahaate, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed waxa ay qaateen go’aan ah in la dhameystiro habsami u socodka tartanka iyada oo ku dhawaad 10 jeer is beddel lagu sameeyay jadwalkii loogu tala galay in lagu ciyaaro kulamada tartanka.

Iibka Ticket-yada garoonka iyo sunta indhaha ka ilmeysiisa

4 jeer oo la qabtay tartanka, waa marki ugu horeysay ee lacag la dhigo tickit-yada lagu daawado ciyaaraha, waxaana gudaha garoonka laga macnuucay hubka nuucyadiisa kala duwan iyada oo la arkayay ciidamada loogu tala galay in ay ka hortagaan rabshadaha oo isticmaalaya sunta indhaha ka ilmeysiisa.

Maxaa laga diiwaan geliyay tartanka?

Waxaa soo idlaaday tartan kamid kuwa ugu xiisaha badan guud ahaan Geeska Africa gaar ahaana tartamada kubadda cagta ee lagu qabto gudaha Soomaaliya, hadaba maxaa laga diiwaan geliyay baratanka kubadda cagta ee Dowlad Goboleedka oo 8 sano guduhood la qabtay 4 jeer.

12 kulan oo ka mid ah 13 kulan oo loogu tala galay tartanka ayaa la ciyaaray, waxaana baaqday hal kulan, iyada oo la iska dhaliyay 19 gool.

Shan (5) kulan oo tartanka ka mid ah la iska dhalin wax goolal ah, halka lix (6) kulan ay ku dhamaadeen garba siman.

Sannadkii 2020, waxaa la ciyaaray dhamaan kulamadii loogu tala galay tartanka oo ahaa 9 kulan iyada oo leyska dhaliyay 22 gool halka hal ciyaar oo kaliya ay ku soo dhamaatay gool la’aan, waxaana leysku garba dhacay tiro 4 jeer ah.

Sannadkaas waxaa tartankanka ku guuleystay xulka Gobolka Banaadir oo rigoorayaal ugu badiyay xulka Maamul Goboleedka Galmudug.

Sannadkii 2017 waxaaa tartanka ku guuleystay xulka Jubbaland kadib markii uu hal iyo 0 ugu adkaaday xulka Puntland oo ahaa difaacadayaasha koobka. Sagaal (9) kulan oo la ciyaaray waxaa leyska dhaliyay 22 gool, ciyaar kasta oo ka mid ah waxaa la dhaliyay gool halka 3 ciyaar ay ku soo dhamaadeen bar baro.

Sannadkii 2016 oo ahaa marki ugu horeysay ee tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la qabto, waxaa ku guuleystay xulka Puntland oo rigoore yaal uga qaaday xulka Jubbaland, waxaa laga diiwaan geliyay goolashi ugu badnaay ee hal tartan laga dhaliyo 4-ta jeer ee la qabtay iyada 23 gool la kala dhaliyay sagaalka (9) kulan oo laciyaaray.

Xulka Koonfur Galbeed ay noqday xulka looga badiyay goolasha ugu badan ee tartanka kadib markii uu Gobolka Banaadir ku garacaay 5 iyo 0. sannadkaas kaliya hal ciyaar ayaan wax gool ah la iska dhalin, waxaana la isku garab dhacay 3 kulan.

Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa nasiib u yeeshay in ay ciyaaraan min laba jeer finaalka tartanka, halka Gobolka Banaadir iyo Hirshabbeele ay ciyaareen min hal jeer.

Xulka Jubbaland ayaa ah xulka kaliya ee koobka qaaday iyada oo aan loo baahan in lagu kala baxo rigoorayaal.

Isku soo duuboo, 86 gool ayaa leyska dhaliyay 4-ta tartan ee la qabtay, xulalka Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa weli sugaya in magacyadooda lagu quro koobka ugu xamaasada iyo taageerayaasha badan tartamada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here