Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha Madaxtooyada

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa iska casilay xilkii agaasiamaha guud ee Villa Soomaaliya, laba isbuuc ka hor, isaga oo sheegay inuu iscasilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha 5-tii Agoosto 2023.

Iscasilaadda Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu micneeyay hammiga uu ka leeyahay siyaasadda iyo inuu u taratmo madaxweyanha maamul goboleedka Koonfur Galbeed doorashada soo socota.

Agaasimihii hore ayaa ballan qaaday inuu madaxweynaha Soomaaliya kala shaqeyn doono dadaalada dowlad dhisidda, gaar ahaan sidii shacabka Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen isbedel xoggaan oo ku yimaada hab dimoquraadi ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here