Saturday, July 27, 2024

Soomaaliland: Xisbiga Kulmiye oo Muuse Biixi u doortay musharaxa madaxweyne

Hargeysa (Dawan)-Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ka socday magaalada Burco ayaa lasoo gabagabeeyay, iyada oo la doortay musharraxa madaxweyne , guddoomiyaha xisbiga  iyo ku xigeenadooda.

Golaha Dhexe ee  Kulmiye  ayaa Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga u doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamuud Xasan Sacad.

Golaha ayaa sidoo kale u doortay gudoomiyaha xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Arrimaha Gudaha  iyada oo ku xigeenkiisana loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hore usoo noqday wasiirka Maaliyadda Soomaaliland.

Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta wareejiyo hoggaankii xisbiga ee uu muddoo dheer haayay.

“Waxaan Golaha Dhexe ee xisbiga kusoo celiyay xilkii Guddoomiyaha ee aad hore iigu igmateen, oo ay maanta ila tahay inay ku habboontahay inaan kasoo hormariyo muddada yar ee hartay msharciyadda, si dhiig cusub lagu shubo oo xisbiga loogu doorto hoggaan cusub.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Xisbiga Kulmiye ayaa doorashadii ugu dambeysay ee ee golayaasha Wakiilada Iyo Degaanada kala kumiyay dharbaaxo kulul kadib markuu lumiyay aqlabiyaddii uu heli jiray.

Khilaafka doorashada Soomaaliland ayaa cirka isku shareeray, iyada oo xisbiyada mucaaradku  ku eedeeyeen madaxweyne Muuse Biixi inuu carqaladeynaayo habsami u socodka dimuquraadiyadda iyo hannaanka xisbiyaa Soomaaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here