Wednesday, December 4, 2024

Jabuuti… Dekedda Doraleh oo laga soo dejiyay 1 Milyan oo konteenar in ka yar sannad

Jabuuti (Dawan)- Munaasabad lagu qabtay Dekedda Doraleh ee Jabuuti ayaa lagu shaacisay inay konteenarada laga soo dejiyay ay gaareen hal milyan bishii October ee sanadkan 2024, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay ee dekedda laga soo dejiyo hal milyan oo Kontooner muddo 10 bilood ah.

Maamulka Dekedda ayaa sheegay inay rajo wayn ka qabaan sidii loo gaarsiin lahaa tiradan 1.2 milyan oo Konteenar marka uu sanadka dhammaado, iyada oo la adkeynayo doorka muhiimka ah ee dekedda Doraleh ay ka ciyaareyso isku xirka wax-soo-saarka iyo soo dejinta ee gobolka.

Dekedda Doraleh, oo shaqada bilowday sanadkii 2009, ayaa leh awood sanadle ah oo gaarsiisan 1.6 milyan oo tan, taas oo ka dhigaysa ilaha ugu weyn ee dakhli kasoo gala Jabuuti, iyadoo ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo isku xirta marinada badda ee Bariga iyo Galbeedka, Koonfurta iyo Waqooyiga, taas oo kor u qaaday doorka dekedda Doraleh ee ganacsiga iyo loojistikada Bariga Afrika.

Qoraalka ay dekeddu soo saartay ayaa sidoo kale lagu xusay in horumarkan uu yimid iyadoo dadaal wadajir ah ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ka shaqeeya dekedda, taas oo sare u qaaday hufnaanta iyo adeegyada casriga ah ee lagu soo kordhiyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin 3 goobood oo Konteennarada laga rarto oo ku qalabeysan 12 wiish, oo ay ku jiraan 4 wiish oo loogu talagalay maraakiibta waaweyn.

Arrinkaan  ay imaaneyso xilli ay jireen caqabado la xiriira khilaafkii ay hore ula gashay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta. Dowlada Jabuuti ayaa sanadkii 2018 ku dhawaaqday inay joojisay heshiiska ay kula jirtay DP World oo ku saabsanaa maamulka dekedda, iyadoo dowladdu sheegtay inay ku talo jirto in dekedda loo maamulo si ay dakhli iyo dan dhaqaale ugu soo kordhiso dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here