Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada

Qaahira (Dawan)- Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo wasiirka waxbarshada sare iyo cilmi baarsita Masar Ayman Cashuur ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada, Hiddaha iyo Cilmi barista.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageeridda iyo garab istaagga ay siisay  ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Masar, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay ka faa’iideysiga khibradda Masaarida ee dhinacyada kala duwan leh.

Wasiirka waxbarasahda sare ee Masar ayaa ballan qaaday inay u fududeyn doonaan  dhammaan howlaha waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ee cilmi baarsita ka sameeya jaamacadaha kala duwan ee  Masar.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda Masar diyaar u tahay inay la wadaagto Soomaaliya khibradda ay u leedahay arrimaha waxbrashada iyo xarumaha cilmi barista.

Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo kala duwan oo ay mid yihiin  dhinacyada Waxbarashada, Hiddaha iyo Warbaahinta, waxaana labada dowladood ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo qoto dheer.

Kulanka waxa goob jog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira ahna wakiilka  Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labda dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here