Monday, May 20, 2024

Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka Qaranka

Moqdishu (Dawan)- Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo arbaca ah cod aqlabiyad ah ku meel mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka kadib markii ay mariyeen aqriska saddexaad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta gacan taagga ah, wuxuuna sheegay in 135 xildhibaan oggolaadeen, iyada oo ay diideen 3 xildhibaan oo kaliya, halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in tillaabada lagu ansixiyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ay kaalin mug leh ka qaadan doonto dadaalka Soomaaliya ugu jirto dib u habeynta ha’yadaha maaliyadda.

Sidoo kale, Hanti dhowrka Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka sida aqlabiyadda leh ee uu u meelmariyey Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.
Dhammeystirka nidaamka ansixinta Hindise-sharciyeedkan iyo hirgelintiisu waxa ay la jaanqaadeysaa Qodobka 114aad ee Dastuurka KMG, sidaas oo kalena waxa ay kaalin wax ku ool ah ka qaadanayaan casriyeynta sharciyadda xafiiska Hantidhowrka oo hadda ku dhaqma Sharci Lr: 34/1972.” ayuu bartiisa Facebook ku qoray Hanti dhowrka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay waaydii ugu danbeeeyay sidii loo habeyn lahaa nidaamka maaliyeed ee dalka, taas oo caalamku uga dhigay shuruud si loo dhameystiro barnaamijka deyn cafinta.

Waxaa iyaduna xusuus mudan in madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah masuq-maasuqa, waxaana maxkamad lasoo taagay mas’uuliyiin iyo shaqaalo dowladeed kuwaas oo ku eedeysan xatooyo hanti dadweyne iyo ku tagri fal awoowdeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here