Tuesday, September 2, 2025

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis caafimaad

Belgrade (Dawan) –Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Serbia ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga caafimaadka, kaas oo kor u qaadaya heerka wada-shaqeynta wasaaradaha caafimaadka ee labada dowladood.

Heshiiskan, oo Talaadada maanta ah lagu saxiixay qasriga Serbia, ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan, halka Serbia uu matalayay Wasiirka Caafimaadka Zlatibor Lončar.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Serbia, Djuro Macut, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, kadib kulan ballaaran oo ay yeesheen labada wafdi.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Serbia, kadib saxiixa, Ra’iisul Wasaaraha Serbia ayaa shir jaraa’id ku sheegay inuu uga mahadcelinayo Soomaaliya mowqifkeeda ah in aysan aqoonsan Kosovo.

Waxaan uga mahadcelinayaa mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan inaan la aqoonsan Kosovo, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay taageertay madaxbannaanida dhuleed ee dalalka madax-bannaan,” ayuu yiri Macut.

Intii lagu guda jiray booqashada, mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ballaaran oo dan u ah labada dhinac, oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, ganacsiga, dhaqanka, difaaca, caafimaadka iyo waxbarashada, iyaga oo ku heshiiyay in la dardar-geliyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyadaasi.

Heshiiskani ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ka mid yihiin wasiirrada difaaca, caafimaadka iyo arrimaha dibadda, ay shalay gaareen magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo ay u tageen booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here