Saturday, May 18, 2024

Soomaaliya iyo Tanzania oo ku heshiiyay isdhaafsiga maxaabiista xukuman

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Tanzania.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah tillaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka iskaashiga iyo wadashqeynta labada dal ee ka wada tirsan Midowaga Afrika iyo ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya ku biirtay dhawaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sidii ay kor ugu qaadi lahayd xiriirka kala dhaxeeya dalalka dunida gaar ahaan kuwa ay ku mideysanyihiin urur goboleeyada, si looga mra dhaliyo himilada shacabka iyo danta bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here