Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Uganda oo dhameystiray heshiis dhanka Difaaca ah

Muqdisho (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Uganada ayaa maanta wada saxiixay heshiis lagu dhameystirayo is-afgarad hore oo ku saabsanaa iskaashi dhanka difaaca ah, kadib markii uu Wasiirka Difaaca Uganda booqasho ku yimid Muqdisho.

“Waxaan maanta Villa Gaashaandhigga kulan kula yeeshey dhiggeyga Wasiirka Gaashaandhigga iyo Arrimaha Halyeeyada Jamhuuriyadda Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja, 20 Febraayo 2024. Shirkani wuxuu daarnaa saxiixa dhameestirka Is af-garad heshiiskii hore Difaaca iyo Iskaashiga Militari ee u dhaxeeyay labada dowladood”. ayuu yiri, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Kulankaan uu xaqiijinayo hormumarka laga gaaray ladagaalanka kooxda Al-Shabaab iyo xaqiijinta Amniga, isaga oo uga mahadceliyay Ciidamada Soomaaliya iyo Uganda dadaalkooda ku aadan difaaca Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay ” Uganda Waxay ka mid tahay dowladaha dhiiga ugu deeqey Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uga madahad celineynaa kaalintooda dib u xoreynta dalka”.

Isbuuc ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler, ay kala saxiixdeen heshiis guud oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay usii xoojin lahayd iskaashiga dhanka Milliteriga ee labada dal.

Sidoo kale, Dowladada Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay Mareykanka inuu dhiso ilaa shan saldhig oo cusub oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya, iyada oo lagu xoojinayo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si looga hortago weerarada iyo falalka kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda.

Shanta saldhig ayaa laga dhisi doonaa Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusomareeb, Jowhar, Kismaayo, iyo Muqdisho.

Saldhigyadaan cusub waxaa adeegsan doona Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab kuwaas oo la aas-aasay sannadkii 2017 ka dib markii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isku afgarteen tababarka iyo qalabeynta ciidaan gaaraya 3,000.

Ciidamada Danab ayaa udub dhexaad u ahaa tan iyo markii la dhisay ka hortagga iyo la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab.

Heshiisyada dhanka Difaaca ee ay Dowladda Soomaaliya la geleyso Dowladaha saaxibka la ah ayaa imaanaya iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu dhimay ciidamada ka jooga Soomaaliya, si loo soo gabagabeeyo dhammaadka sannadka 2024-ka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here