Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo diiday qaraar ku baaqaya xabbad joojin ka dhacda Gaza

New York (Dawan)- Dowladda Maraykanka ayaa u adeegsaday diidmada qayaxan qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Algeria kaas ku baaqaya in xabbad-joojin deg-deg ah laga hirgeliyo Marinka Gaza, si loo gaarsiiyo gargaar Bini aadantinimo.

Qaraarkan qabyada ah waxaa taageeray 13 xubnood oo ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka , halka Maraykanka uu ka soo horjeestay isaga oo isticmaalay “veto”.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka aamustay qaraarka, sida lagu daabacay website-ka Qaramada Midoobay.

Qaraarkan qabyada ah ayaa ka hor imaanaya barakicinta qasabka ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Marinka Gaza in ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.

Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale ku baaqaya in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Waa markii saddexaad ee uu Mareykanku adeegsado diidmada qayaxan tan iyo markii uu billaawday dagaalka Israel ee Gaza 7-dii October, 2023, isagoo ka soo horjeesaday dhammaan qaraaradii ku baaqayay in la sameeyo xabbad joojin.

Tan iyo 7-dii bishii October ee la soo dhaafay, ciidamada Israel ayaa dagaal ba’an ka waday Gaza, waxayna dileen in ka badan 29 kun, halka ay dhaawaceen in ka badan 69 kun oo qof.

Dagaalka Gaza ayaa sababay barakaca in ka badan 85% (qiyaastii 1.9 milyan oo qof) dadkii ku noola Marinka Gaza, sida laga soo xigtay xafiisyada Qaramada Midoobay ee Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here