Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UNDP ee Soomaaliya, Lionel Lourense.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNDP, si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, tayaynta magaalooyinka, isla markaana loo kordhiyo adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.
Agaasimaha Waaxda Hubinta Tayada Dhismaha ee Wasaaradda Howlaha Guud, Cabdikariin Xasan Daahir, ayaa soo dhoweeyey wafdiga UNDP, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi dhow oo lagu dardar-gelinayo mashaariicda dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.
Intii uu socday kulanka, Mr. Lionel Lourense ayaa si qoto dheer uga hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada horumarinta waddooyinka, buundooyinka, iyo horumarinta magaalooyinka, isaga oo ballanqaaday in UNDP ay sii wadayso taageerada ay siiso Wasaaradda Hawlaha Guud, ayna diyaar u tahay in ay kor u qaaddo mashaariicda dhismaha iyo horumarka magaalooyinka.
Ugu dambeyn, Wasiir Cilmi ayaa tilmaamay in Wasaaraddu si buuxda ugu heelan tahay hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, tayeynta magaalooyinka, iyo sare u qaadista nolosha dadka.