Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo heshiis shidaal qodis ah la gashay Turkiga

Istanbul (Dawan)- Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta oo khamiis ah Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis shidaal baaris iyo qodis ah oo laga sameynayo barriga iyo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Sida uu dhigayo heshiiskan, waxaan fulin doonnaa hawlo wadajir ah oo lagu gaarsiinayo kheyraadka Soomaaliya dadka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan xoojino joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika anagoo kaashaneyna iskaashi cusub oo dhanka tamarta ah.”

Heshiiskaan ayaa sidoo kale awood u siinayo Turkiga inuu horumariyo kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Turkiga ayaa khibrad u leh sahaminta tamarta badda, waxa uuna ku guuleysatay inuu Gas ka helo badda madow sannadkii 2020.

Warbixin ay hore u soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo inay haysato ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto kuwaas oo isagu jira shidaal iyo gaas ah, balse waxay u baahan tahay maalgashi qaadan kara seddex ilaa shan sano.

Sannadkii 2022, Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis sahamin dhanaka shidaalka ah la gashay shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka, iyada oo la qorsheeyay in qodista shidaalka ay billaabato 2025.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxa ay Soomaaliya gelisay lacag aad u fara badan, iyada oo ka furatay Muqdisho safaaradda ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxeyna sidoo kale ugu deeqay Soomaaliya in ka badan 1 bilyan oo dollar oo gargaar bini’aadinimo ah .

Turkiga ayaa hadda saldhig weyn ku leh Magaalada Muqdisho, iyada oo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho.

Waxaa lagu qiyaasaa in Turkigu uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, tiradaas oo u dhiganta seddex meelood meel ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaas oo lagu tababaray gudaha Turkiga iyo saldhigga ku yaal Soomaaliya ee loo yaqaano Turksom.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here