Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo isku diyaarinaysa maalgashiga khayraadka buluugga

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxay muddo laba maalin ah martigelienysa  Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka xeebaha Soomaaliya.

Shirka waxaa isagu yimid mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, diblomaasiyiinta caalamka iyo marti kale oo daneysa maalgashiyada badaha.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre waxa uu tilmaamay in la joogo xilligi Soomaaliya ay caalamka wax la qeybsan lahayd, lana gacansan lahayd si loo wada faa’iido.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka buluugga Soomaaliya, Axmed Xasan Aadam waxa uu shacabka u diray farriin digniin oo nuxurkeedu ahaa ” Wixiina ka faa’iideysta inta aan la idinka qaadan” waxa uu tusaale usoo qaatay in Kalluunka Soomaaliya aan loo iib geynin caalamka halka ay jiraan dowladu ku nool kalluun ay dibadda ka keensadeen oo kaliya.

Soomaaliya waxa ay leedahay xeeb dheer laakin loogama faa’iideysto sida ugu habboon, waxaana loo aaneynaya in aysan jirin siyaasad iyo nidaam xooggan oo soo saari kara kheyraadka dhulka Soomaaliya, si muwaadiniintu uga baxaan nolosha adag oo ay ku jiraan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here