Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka digtay fatahaado ka dhalan kara Deyrta

Muqdisho (Dawan)– Dowladda soomaalioya ayaa uga digtay muwaadininnta ku nool gobollada Koonfureed ee dalka khataraha ka imaan kara fatahaada roobabka xilliga Deyrta.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ayaa lagu sheegay sida soo socota:

Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Kooofureed ee dalka uga digeysaa khatarta fatahaadaha “Illino” ee ka dhalan karta roobabka xilliga deyrta.

Sida ay odorostay warbixinada Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD (ICPAC), waxay muujineysaa koror xooggan oo xaddiga roobka xilliga Deyrta ah oo 80% sababi kara musiibada Ellino.  Wasaaraddu waxa ay walwal weyn ka qabtaa saamaynta taban ee ka dhalan karta oo dhib u keeneysa naf iyo mood gaar ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan hay’adaha ku howlan gargaarka iyo horumarinta bulshooyinka nugul ee beeraleeyda iyo xoolo dhaqatada ah ka howlgalka siyaabo looga hor tagi karo khatarta oo ku salleysan wadashaqeyn iyo iskaashi dinacya badan, si loo badbaadiyo nafta iyo hantida.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo kaashaneysa wasaaradaha dowlad goboleedyada iyo xarumaha saadaasha hawada waxay si dhow ula socon doontaa xalaadda, waxayna buslahda si joogta ah ula wadaageysaa xogaha soo kordha iyo habraacyada howlgallada, taas oo fududeyneysa hagidda bulshada ku nool deegaananda ay khatartu ka jirto iyo isku dubaridka dadaalalda diyaar garowga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here