Saturday, July 27, 2024

Midowga Africa oo ka carooday hannanka ay Soomaaliya u martay codsiga hakinta bixitaanka ATMIS

Muqdisho (Dawan)- Dhowr dal oo ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah ka joogaan Soomaaliya ayaa  ayaa walaac xooggan ka muujiyay  qaabka ay dowladda Soomaaliya u martay  codsigeeda ah in la hakiyo  hannaanka bixitaanka ciidamada ATMIS.

Sargaal codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay hay’addii ku habooneyd ee iska lahayd mas’uuliyadda arrintaan.

Sargaalka ayaa ku dooday in ay ahayd in codsiga hakinta bixintaanka ciidamada loo diro Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ah hay’adda u xilsaaran daad gureynta Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah tillaabo lagu hareer maray  hay’addii ku shaqada lahayd  .

“Warqaddaan ma ahayn in loo diro  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee waa in lala socodsiiyo hay’adda loo igmaday oo ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo leh mas’uuliyadda ciidamada ATMIS” ayuu yiri sargaalka.

Sargaalka ayaa intaas ku daray in codsigaan oo kale ay aheyd in uu soo gudbiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ama mas’uul ka sarreeyo, kadibna safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay fududeyso soo gudbinta codsigaan oo loo maro hab diblomaasiyadeed oo sax ah.

Mas’uulkan ayaa ku eedeyay dowladda Soomaaliya in aysan ku soo gudbin codsiga waqtigii loogu talagalay, isagoo sheegay in dhowr toddobaad ay ka harsan tahay xilliga la dhimayo ciidamada nabad ilaalinta, isaga oo yiri.

“Ma ahan inaad hurdada kasoo toosto  toddobaad ka hor bixitaanka  ciidamada. Waa inaad ogeysiisa dalalka soo diray ciidamada. Maxaad ula tashan weyday mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee ka howlgala Muqdisho inta aadan qorin codsiga?”

Sargaalka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in tillaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ay ka dhalan doonto dhibaato xagga amniga ah oo ay ka faa’iideysato kooxda Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay  Qaramada Midoobay codsi lagu hakinayo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika muddo seddex bilood ah.

Codsigaan ayaa lagu sababeeyay in Ciidanka Xoogga Soomaaliya u baahanyahay  soo kabasho iyo waqti si dib isagu abaabulaan oo ay usii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Warqad ku taariikheysneyd 19-kii September oo uu u diray La taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali ayaa lagu sheegay in ololaha ay dowladdu waddo muddo sanad ah oo looga xoreynayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada Dhexe ee dalka ay soo gaartay dhibaato isbuucyadii lasoo dhaafay.

“Dhacdooyinkaan lama filaanka ah waxay culeys ku keeneen ciidamadeenna milateriga, iyada oo la arkay awood yarida ka jirta  furimaha hore ee dagaalka. Waxaa Khasab ah in ciidanka lagu sameeyo dib u habeyn ballaaran si looga hortago khataraha ka imaan kara Al-shabaab” ayuu qoraalkiisa ku yiri La taliyaha amniga Qaranka.

La taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidaanku u baahanyahay dib usoo kabashao si loo sii wado dagaalka.

26-kii bishii August ayay aheyd markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, taasi oo keentay in ciidamada dowladda ay isaga baxaan magaalooyin dhowr ah.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarnimada u jooga  Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sameeyay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii April ee sannadkii tegay, waxaana lagu beddelay ciidamadii nabad ilaalinta ee AMISOM.

ATMIS ayaa soo gabagabeysay 30-kii bishii June wajigii koowaad oo ay kula baxeen  labo kun oo askari, iyada oo  wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada la billabay bishaan Sebtember.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isbuuci lasoo dhaafay bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Biyo-cadde ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Saldhigga Biyo-Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ka howl geli jireen ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama ay tahay furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada  ATMIS-ka ayaa la qorsheeyay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidaanka Xoogga Soomaaliyeed iyaga oo dalka kawada baxaya  dhamaadka sannadka 2024-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here