Sunday, June 22, 2025

Soomaaliya oo ka qeyb gashay wada-hadallo amniga afrika ah

Istanbul (Dawan) lataliyaha  Amniga Qaranka Soomaaliya (NSA), Xuseen Macallin, ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan amniga iyo xasiloonida Afrika, kaasoo lagu qabtay Istanbul.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaayeen Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Burhanettin Duraan kuwaasoo ka wada hadley arrimaha amniga iyo xasiloonida qaaradda, Sida uu sheegay Xafiiska Amniga Qaranka.

kulanka waxa uu diiradda saaray tartanka goboleedyada, doorka ay dalalka Afrika u ciyaaraan dhexdhexaadinta, iyo isbeddellada ku soo kordhaya isbahaysiyada caalamiga ah ee saameynaya xaaladda geeska Afrika.

Xuseen Macallin’s ka qaybgalka kulanka ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay inay ka qeybqaadato doodaha muhiimka ah ee la xiriira amniga Afrika, iyadoo fiiro gaar ah siineysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha amniga ee Geeska Afrika.

Inkasatoo Faahfaahin intaas ka badan aan laga heyn kulnaka haddana Soomaaliya waxay xiriir dhow la leedahay dalalkan seddexda ah ee Kenya, Masar, iyo Turkiga, kuwaasoo taageero xooggan ka geystay dhinaca amniga Soomaaliya. Kenya ayaa door weyn ka ciyaartay amniga Soomaaliya, gaar ahaan iyada oo qayb ka ah Heshiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) tan iyo 2012.

Masar sidoo kale waxay muhiim u tahay amniga Soomaaliya, iyadoo bixisay tababaro ciidan iyo qalab milatari, isla markaana ka qeybqaadaneysa Howlgalka Xasilloonida ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Turkiga ayaa xiriir dhow oo wanaagsan la leh Soomaaliya, isagoo bixiyay tababaro ciidan, qalab milatari, iyo saldhig ciidan oo ku yaal Muqdishu (Camp TURKSOM). Turkiga ayaa sidoo kale qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo isticmaasha diyaaradaha drones-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here