Saturday, July 27, 2024

Geelle oo cambaareeyay weerarkii lagu dilay saraakiisha Imaaraadka ee Muqdisho

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday shalay xarun ciidan oo ku taal Magaalada Muqdisho, laguna dilay saraakiil isagu jirta Imaaraad iyo Bahrain.

“Fulaynimada iyo anshax-xumadu waa qiyamka argagixisanimada ee aan iimaan iyo sharci toona lahayn,” ayuu yiri, Madaxweyne Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ballan qaaday in Dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya si ay dib loogu soo celiyo guud ahaan dalka amni iyo xasilooni buuxda.

Madaxweyne Geelle ayaa yiri, ” Shaki kuma jiro in Soomaaliya ka guuleysan doonto xoogaga cadawga ah iyo in ay dib u soo ceshato amnigeeda iyo xasilooni waarta”

Xalay fiidki ayay ahayd markii uu weerar – aan la caddeyn ilaa iyo hadda sida uu u dhacay- lagu dilay saraakiil ku sugneed xerada ciidamada Gordoon ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordoon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in weerarku uu dhacay xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo lagu dilay Xerada Jeneraal Gordoon ee Magaalada Muqdisho.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuuna faray laamaha amniga in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah, isaga oo ballan qaaday in tillaabdo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay falkaas

“Waxaan si ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan”. ayuu raaciyay qoraalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 20 askari oo isagu jira Imaaraad iyo Soomaali kadib markii ay weerar ay ku qaadeen xerada ay Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirtay sannadihii lasoo dhaafay Kooxda Al-shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana fikrad ahaan ku xiran tahay ururka Al-Qaacida.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here