Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo la ciyaareysa Eswatini kulanka hordhaca ee isreeb-reebka Africka

Rabat (Dawan)-  Xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya ayaa maanta ciyaari doona kulanka koowaad ee kulamada hordhaca ah ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika.

Xulka Soomaaliya ayaa wajahi doona dhiggiisa Eswatini, iyada oo xiriirka kubadda cagta ee Morocco uu u ogolaaday Soomaaliya in ay dalkaas ka dhigato home kuna ciyaarto kulanka ugu horeeya maanta oo ka dhici doona garoonka Al-Cabdi

Ciyaarta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Eswatini ayaa billaaban doonta saacaddu marka ay tahay 5 galabnimo ee xilliga Muqdisho.

Isku aadka hordhaca ah, ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika, waxaa ku jira sideed dal kuwaas oo ah dalalka meel hoose uga jira qiimenta FIFA, waxeyna kala yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Sao Tome, Chad, Mauritius, South Sudan, Liberia iyo Eswatini.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Liiska ciyaartooyda Soomaaliya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here