Friday, June 13, 2025
Array

Soomaaliya oo Noqotay Dalkii Ugu Horreeya ee Adeegsada AmTag™

Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay wadankii ugu horreeyay adduunka ee adeegsada tiknoolajiyadda Tiknoolojiyadda Calaamadaynta hubka ee AmTag™, taas oo suurtagelineysa in Rasaasta laga dhigo mid si buuxda loo raadraaci karo.

Kumanaan xabbadood oo ay isticmaalaan booliiska iyo milatariga Soomaaliya ayaa lagu buufiyay AmTag™ — taasoo ka dhigeysa markii ugu horreysay ee ciidan qaran loo adeegsado nidaamkan — iyadoo laga fuliyay keydadka rasaasta ee magaalooyinka kala duwan, gaar ahaan Muqdisho.

Isku daygaan ayaa hay’adaha baarista ee dowladda Soomaaliya u oggolaanaya in ay si sax ah u hubiyaan gacmaha ay rasaasta mareyso, taas oo la filayo in ay ka hor tagto xatiiyo iyo musuqmaasuq lagu sameeyo hubka soo gala gacmaha dowladda.

Tiknoolajiyaddan AmTag™ waa mid ay si wadajir ah u horumariyeen Conflict Armament Research (CAR), Torchlight Technologies, iyo DeterTech, waa nidaam calaamayn cusub ah oo lagu aqoonsanayo rasaasta oo aan la tirtiri karin. taas oo ka dhigaysa in xabbad kasta la raadin karo laga bilaabo warshaddii samaysay ilaa gacantii sharciyeysneed ee ugu dambeysay.

Hay’adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay UK, ee Conflict Armament Research (CAR), oo taageero dhaqaale ka helaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK (FCDO), ayaa Soomaaliya ka dhigtay waddankii ugu horreeyay ee hirgeliya tiknoolajiyadda raadraaca rasaasta ee AmTag™.

Dowladda Soomaaliya ayaa guluf xoogan ugu jirtay sidii ay u xakameyn lahayd hubka soo gala dalka ka dib cunaqabateyntiii hubka ee laga qaaday 2023 kadib 31 sano ay saarneed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here