Monday, March 31, 2025

Soomaaliya Oo Qaabishay Shixnad Militari

By Sayyid Omar

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii la soo gaarsiiyay shixnad militari oo ka timid Midowga Afrika, taas oo lagu taageerayo dedaallada lagu xoojinayo amniga dalka, sid aya sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shixnaddan ay ka koobnayd gaadiid gaashaaman, koofiyado, jaakadaha difaaca, gaadiidka ciidamada daabula, taangiyada shidaalka iyo biyaha, matooro, agab caafimaad, iyo qalab kale oo muhiim ah.

“Shixnaddan militari waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo kaabayaasha amniga ee Soomaaliya, taasoo wax weyn ka tari doonta xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay taageerada joogtada ah ee uu Midowga Afrika siiyo, taas oo qeyb ka ah dedaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa Midowga Afrika taageeradiisa muhiimka ah oo wax weyn ka geysaneysa sugidda amniga gobolka, kobcinta hay’adaha dowliga ah, iyo xoojinta la dagaallanka argagixisada,”

Shixnaddan militari ayaa timid ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu bishii December 27, 2024, meel mariyay qaraar ogolaanaya in la hawlgeliyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Hawlgalka Taageerada Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here