Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo shir guddoomisay shir caalami ah

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Caafimaada iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Soomaaliya, Cali Xaaji Aadam ayaa maanta shir guddoomiyay kulan weynaha Hay’adda Caafimaadka adduunka, ee xafiis Goboleedka Bariga iyo Baratamaha oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta Masar.

Wasiirka oo furitaanka shirka ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkaan u leeyahay Gobolka xilligaan la joogo, isaga hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in si wada jir ah looga shaqeeyo dhinaca caafimaadka, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka jira dunida oo ay ka midyihiin cudurada faafa.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inta ay hoggaanka heyso in la hirgeliyo hiigsiga horumarinta caafimaadka, iyadoo la xaqiijinayo in gobolka oo dhan laga helo daryeel caafimaad oo dhameystiran, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay in Soomaaliya laga taageero dhinaca arrimaha caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay qaar ka mid ah wakiilada hay’adaha caafimaadka adduunka iyo wasiiradda dhiggiisa ah ka socda dalalka kala duwan, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhanka caafimaadka iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska iyo qalabeynta goobaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Safiirka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa Wasiirka ku weheliya shirka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here