Saturday, July 27, 2024

Roobabkii ka da’ay Baydhabo oo saameyn ku yeeshay kumanaan qof

Baydhabo (Dawan)- Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric oo soo xiganaya xiriiriyaha arrimaha bini aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad ​​100,000 oo qof ay dhibaato kasoo gaaraty fatahaadaha iyo roobabkii xooganaa ee ka da’ay koonfurta gobolka Baydhaba ee dalka Soomaaliya todobaadkii la soo dhaafay.

Daadadka ka dhashay roobka ayaa buux dhaafiyay 136 kaam oo ay ku noolaayeen in ka badan 86,000, iyada oo ilaa hadda ay dadkaas la’yihiin hooy.

Dujarric ayaa sheegay in fathaada El Niño ee la filayo maalmaha soo socda in ay saameyn ku yeelan doonto ugu yaraan 1.2 milyan oo qof kuwaas oo ku nool deegaanada ku teedsan Wabiyada Soomaaliya.

Qaramada Middoobay ayaa sheegtay in ay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka kala shaqeyn doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyibka fatahaadaha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka Soomaaliyeed, inkasta oo ay ka deyrisay in uu gaabis ka jiro deeqda beesha caalamka oo sannadkaan laga helay 37% kaalmadii loogu tala galay Soomaaliya.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran, ayaa hore u sheegtay in laga casbi qabo roobab mahiigaan ah in ay ka da’aan gobollada Soomaalida ee Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar.

Hay’adda ayaa ugu baaqday bulshooyinka ku nool gobollaadan in ay muujiyaan feejignaan kana digtoonaadaan fatahaadaha ka dhalan kara daadadka roobabka iyo Wabiyada.

Si aad u fahanto El Niño iyo khasaaraha ay geysteen fatahaadii ugu dambeeyay ee ka dhacay caalamka, waxaan ka diyaarinay warbixintaan hoose ee daawasho wacan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here