Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo taageertay go’aanka laga soo saaray dacwada loo heysto Israa’iil

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay go’aankii ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka qaadatay ee ahaa in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso eedeyntii loo jeediyay Israa’iil ee xasuuqa Marinka Gaza, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Xukunkan taariikhiga ah ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtan ka dhan ah tacadiyada loo geystay shacabka Falastiin. Soomaaliya waxay taageereysaa in si deg-deg ah loo fuliyo tallaabooyinka ku-meel-gaar ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda iyo bad qabka Falastiiniyiinta” ayaa lagu yiri , War-saxaafadeedka.

Wasraaddu waxa ay intaas ku dartay, in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xabbad joojin deg-deg ah si looga fogaado khasaare kale iyo in la dilo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’iil ay joojiso dhammaan noocyada xadgudubyada naxariis darada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.

Qoraalka Wasaaradda waxaa lagu soo gabagabeeyay sida ay Soomaaliya weli ugu adkaysanayso garab istaagga shacabka Falastiin, iyada oo sii wadi doontaa u doodista nabadda, caddaaladda, iyo xaqiijinta xuquuqdooda aasaasiga ah.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaado tallaabooyin looga hortegayo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo wax ka qabshada xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, inkasta oo aysan ku dhawaaqin “xabad joojin”.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa diiday codsigii Israa’iil ee ahaa in ay ka noqoto aqbalaadda dacwada Koonfur Afrika ay soo gudbisay, waxeyna caddeysay in ay awood u leedahay  in ay go’aan ka gaarto dacwada Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil.

Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ba’an ku wadeen Marinka Gaza, waxaana lagu dilay dagaalkaas in ka badan 25 kun oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 63 kun oo u badan carruur iyo haween.

Duqeynta iyo weerada Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ayaa sidoo kale sababtay burbur ballaaran iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here