Saturday, August 16, 2025

Soomaaliya oo u Muujisay Garab-istaag dalka Pakistan

Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tacsi u diray dalka Pakistan, kaddib daadad ku dhuftay dalkaas oo sababay dhimashada in ka badan 300 qof iyo burbur baahsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ayaa sheegay in “Quluubta iyo ducada Soomaaliya waxay la jiraan dowladda iyo shacabka Pakistan” isagoo ku tilmaamay masiibada mid ka dhalatay isbeddelka cimilada, islamarkaana ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Pakistan.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Pakistan ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 321 qof Sabtidii, sida ay werisay Anadolu Agency, iyadoo inta badan khasaaraha dhimashada – 307 qof – laga diiwaangeliyay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee woqooyi-galbeed. Daadadku waxay barakiciyeen kumannaan qof, waxayna dumiyeen guryo, waxayna jareen isgaarsiinta kadib markii tiirar muhiim ah ay burbureen. Iskuullo badan ayaa sidoo kale la xiray, halka roobabku weli socdaan.

Soomaaliya oo la tacaalaysa fatahaado iyo abaaro soo noqnoqda ayaa marar badan ku celisay baahida loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here