Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya: Waxba kama jiraan heshiiska Itoobiya iyo Somaliand

Muqdisho (Dawan)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay heshiiskii ay Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen ee ku saabsanaa Badda, kadib xulan deg deg ah oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Warbaahinta ka hor akhriyay dhowr qodob oo ay Soomaaliya uga jawabeyso heshiiskaas, waxaana ugu muhiimsanaa qodobada soo socda:

1- Dowladda Federaalka waxa ay si cad u  diiday kana soo horjeedda heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.  Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya.

2-Dowladda Federaalka Soomaaliya  waxay u argtaa  tillabadaan mid gar darro ah oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka, waxeyna xad gudub iyo fara gelin qaawan ku tahay madax bannaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3- Waxa lagu sheegay heshiis is afgarad iyo wada shaqeyn waa waxba kama jiraan. Ma ahan mid ay aqbaleyso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mana lahan saldhig sharciyadeed

4- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxeyna Dowladda Soomaaliyeed xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee  ay qaaday Itoobiya wadda kasta oo sharci ah.

5- Dowladda Federaalka  waxey ficilka Itoobiya u aqoonsantahay inuu yahay  gardarro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobanimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Dowladda Soomaaliya  oo ku tiirsan awoodda Shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaranyahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobanimada sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7 -Dowladda Soomaaliya  waxa ay ka dalbaneysaa Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay,  Midowga Afrika, iskaashiga  islaamka, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo  saaxibada kale ee daneeya xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba iyaga oo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisanyihiin gudanayana waajibka loo aas-aasay in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8- Dowladda Soomaaliya waxa ay  ka dalbaneysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Africa in ay qabtaan kulan  deg-deg ah oo looga arrinsanayo xad gudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida  Soomaaliya

9- Iyada oo arrintaan ka jawaabeysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay  la tashi deg deg ah ugu yeereysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here