Saturday, July 27, 2024

R/W Xamsa: Waji kasta oo sharci ah ayaan ku difaaceynaa dalka

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golahiisa Wasiiradu, si ay go’aan uga soo saaraan heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in aan lagu soo xad gudbi karin Qaranimada Soomaaliya.

Xamsa ayaa si adag u ga hadlay go’aanka ay qaadatay Itoobiya ee ka dhana ah gobanimada Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay in Dowladda Soomaaliya aysan ogolaa doonin in lagu soo xad gudbo taako ka mid ah dhulkeeda.

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo (Shacabka) in ay naga go’antahay difaaca dalka. Taako ka mid ah Barrigeena, Baddeena iyo Cirkeena laguma soo xad gudbi karo. Waji kasta oo sharci ah ayaana ku difaaceynaa”, ayuu yiri, Xamsa Cabdi barre

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa damaca Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku qaadato Badda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in la joogi xilligii meel la iska dhigi lahaa kala duwanaansha fikirka iyo khilaafaadka ku dhisan siyaasadda.

“… Waaxan se rabnaa markaan in la midoobo. Wax kasta oo Soomali dhaxdeeda ah in laga tago. Siyaasad kasta oo inaga dhaxdeena ahna meel iska dhigno, inaann difacno dalkeena, inaan difaacno qaranimadeena iyo gobanimadeena” ayuu raaciyay Xamsa hadalkiisa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay qaraar ka kooban sagaal qodob, iyada oo caddeysay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland yahay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.

Soomaaliya ayaa wada tashi ugu yeertay safiirkeeda Itoobiya, waxeyna ugu baaqday Ururada caalamaiga in ay Itoobiya cadaadis ku saaraan sidii ay ugu soo laaban lahayd xendaabka shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa ficilka Itoobiya u aqoonsantahay inuu yahay  gardarro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobanimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhawaaqday in ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee  ay qaaday Itoobiya wadda kasta oo sharci ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ku kala saxiixday Magaalada Addis Ababa heshiis u ogolaanaya Itoobiya in ay 20 kilo mitir ka isticmaasho Badda Cas.

Dhankiisa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi u ah Somaliland, isaga oo sheegay in Itoobiya ay noqon doonto Dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata madax bannaanidda Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here