Friday, July 26, 2024

Spain: Dhimasho ka dhalatay dab ka kacay goob lagu caweeyo

Madrid (Dawan)- Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Murcia ee dalka Spain, subaxnimadii hore ee maanta.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ee magaalada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dabku uu ka kacay goob ay ku yaallaan dhowr maqaayado oo lagu caweeyo, iyada oo ay qaadatay ilaa saddex saacadood in la damiyo dabka.

Waxaa weli socda dadaalka lagu baadi goobayo dad laga yaabo inay waxyeello kasoo gaartay dabka oo ku hoos jira dhismayaalka.

Jairo, oo ah aabaha dhalay gabar 28 jir ah oo la la’yahay ayaa warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo inantiisa ay u dirtay hooyadeed 6-dii subaxnimo kadib.

Gabadha ayaa tiri “Hooyo, waan ku jeclahay, waanu dhiman doonaa!.”

Dabkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca goob lagu caweeyo oo ku taal dalka Spain tan iyo sanadkii 1990-kii, markaas oo 43 qof ay ku dhinteen goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Zaragoza.

“Waxaan aad uga xunnahay dhibaatada uu dabka geystay” Duqa magaalada Murcia Jose Ballesta ayaa u sheegay mid ka mid ah TV-yada dalkaas.

Waanu baari doonaa sababta keentay dabkaan geystay khasaaraha ballaaran ayuu raaciyay hadalkiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here