Saturday, July 27, 2024

R/W Jabuuti oo Baarlamaanka usoo bandhigay miisaaniyadda sannadka 2024

Jabuuti (Dawan)- Kalfadhiga labaad ee Golaha Baaralmaanka Jabuuti ayaa furmay iyada oo Golaha laga sugaayo inuu kulamadiisa ugu horeeeya diiradda ku saaro miisaaniyada dowladda iyo wax ka beddelka qaar ka mid ah shuruucda dalka.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga, waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaha Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka mid ah golihiisa xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti oo khudbad ka jeediyay kalfadhigga ayaa Baarlamaanka usoo bandhigay miisaaniyadda sannadka 2024 ee xukuumaddu soo diyaarisay, taas oo gaareysa lacag dhan 144 milyaar oo lacagta dalkaas ah,

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha, miisaaniyadda sannadka ayaa xoogga saareysa horumrinta dhinacayo kala duwan sida Gaadiidka, Tanmarta, Dhismaha, Isgaarsiinta iyo Tignooljiyadda casriga ah.

Cabduqaadir Kaamil Maxamed, ayaa sidoo kale Baarlamaanka usoo bandhigay waxqabadka xukuumadda ee sannadka 2023, isaga oo xusay in wax laga qabtay horumrainta bulshada, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la daggaalnka isbeddelka cimilada.

Mar uu soo hadal qaaday hoos u dhaca ku yimida dhaqaalaha dunida ayuu sheegay, Ra’iisul Wasaaruhu in dagaalka ka socda Yurub uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha caalamka gaar ahaana dalka Jabuuti laakin si looga hortago sicir barar ay xukuumaadda Jabuuti qaadatay go’aan ah in canshuur dhimis loo sameeyo ganacsatada gaar ahaan cuntada iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha muwaadiniinta.

Cabduqaadir Kaamil, ayaa caddeeyay in xukuumaddu billaawaday wada hadal ay la yeelaneyso hay’adaha maaliyadda ee caalamka si looga dhimo ama looga cafiyo deymaha dibadda ee lagu leeyahay dalka Jabuuti, inkasta uusan sheegin xaddiga deyntaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay in xukuumaddu qorsheyneyso in ay caasimadda ka hirgeliso dhismaha 20,000 oo guri si bulsahda loga haqab tiro baahida ka heysata dhinacha helidda guryo ku habboon xilliga lagu jiro.

Dhiniciisa, Guddoomiyaha Baaralmaanka Jabuuti, Dileyta Maxamed Dileyta ayaa sheegay in xubnaha Baarlamaanka looga fadhiyo falanqeynta iyo ka doodisata miisaaniyadda dalka si loo waafajiyo baahiyada dadka, isaga oo sidoo kale xusuusiyay xubnaha mas’uuliyadda ka saran in ay la xisaabtamaan xukuumadda si loo saxo wixii khaladaad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here