Saturday, July 27, 2024

Laba qof oo ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay magaalada Garoowe

Garoowe (Dawan)- Laba qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Booliska ayaa ku dhaawacmay iska horimaad xalay  ku dhex maray koox ka tirsan ciidamada Danab iyo ciidamo ku sugnaa saldhiga Israac ee magaalada Garoowe ee xarunta maamulka  goboleedka Puntland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Maxamuud Bile Fardafuul, ayaa ku eedeeyay Ciidanka Danab ee ka amar qaata Gaashaanle Dhexe Jimcaale Jaamac Takar inay ka dambeeyeen weerarka lagu soo qaaday saldhiga Israac.

Taliyaha ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka bilowday markii ciidamada Danab ay saldhiga keeneen qof shacab ah, kaas oo loo geystay jirdil kadibna ay askarta joogta saldhigga diiday inay qabato qof dhaawac ah oo u baahan daryeel caafimaad oo deg deg ah.

Taliayha ayaa intaas ku daray in Ciidanka Danab ay dalbadeen gurmad kadibna ay billaabeen weerarka taas oo keentay in ciidanka jooga saldhigga ay is difaacaan.

Taliyaha ayaa ballan qaaday in kooxdii ka danbeysay falkaas amni xumada ah la hor keeni doono caddaaladda si loola xisaabtamo.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Taliye Jimcaale Jaamac Takar oo ku saabsan eedeynta loo jeediyay ee ah in  ciidankiisu ka danbeeyay dagaalkii xalay ka dhaxy magaalada garoowe.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaa hore uga dhacay iska horimaadyo ciidan kuwaas oo sababy khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here