Laascaanood, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in maamulka SSC-Khaatumo uu hadda yahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan kaga dhawaaqay munaasabad ballaaran oo xalay lagu qabtay magaalada Laascaanood, taasoo loogu magac daray “Habeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Bulshada SSC-Khaatumo.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku caddeeyay in SSC-Khaatumo ay tahay “maamul Soomaaliyeed, qeyb buuxda ka ah dowladda federaalka,” isagoo carabka ku adkeeyay in deegaannada SSC ay yihiin dhul Soomaaliyeed, kana madax bannaan wax khilaaf ah oo la xiriira lahaanshahooda.
“Waxaan cod dheer ku leeyahay, SSC-Khaatumo waa maamul Soomaaliyeed oo si buuxda uga tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waana deegaan Soomaaliyeed, mana aha meel lagu muransan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Wuxuu sidoo kale si toos ah ugu baaqay hay’adaha caalamka ee dowliga ah iyo kuawa kale in ay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo sida ay ula dhaqmaan dowlad-goboleedyada kale ee dalka ee Federaalka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ka mid noqoshada SSC-Khaatumo ee Dowlada Federaalka dalka oo u suura gelineysa inay ka qeebgalaan Golaha Wadatashiga Qaran ay wax weyn ka beddeli doonto saameynta maamulkaas, isla markaana ay fursad u noqon doonto in ay si rasmi ah uga qaybqaataan go’aan ka gaarista masiirka dalka.
Dowladda Federaalka ayaa bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u shaacisay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul ku-meel-gaar ah.