By Abukar Osman
Muqdisho – Muqdisho waxaa tababar gaar loogu soo gabagabeeyay Cutubyo katiran Ciidamada Daraawiishta.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar gaar ah oo loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta.
Tababarkan, oo ay bixisay Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP), ayaa lagu baray ciidamada xirfado casri ah oo la xiriira la dagaallanka falalka lidka ku ah amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha ka dagaalama soomaaliya, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo adeegsiga shuruucda booliska ee daryeelka bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa sidoo kale lagu wareejiyay dowlada soomaaliya gaadiid iyo agab ciidan oo ay bixisay Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya .
Gaadiika lagu wareejiyay dowladda soomaaliya ayaa loogu talagalay ciidamada la tababaray, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo hawlgallada Amniga iyo dambiyada abaabulan.