Sunday, May 19, 2024

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Al-shabaab kala wareegtay magaalo muhiim ah

Muqdisho (Dawan)-Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya oo kaashanaaya dadka deegaanka ay kala wareegeen maanta Al-shabaab magaalada Wabxo ee gobalka Galgaduud.

Al-caddaala ayaa intaas ku daray in ciidamadu ka wadaan magaalada howlgal lagu xaqiijinaayo amniga loogana saaraayo miinooyinka ku aasan waddooyinka.

“Dhul ballaaran ayaa ka xoroobay Khawaarijta maanta, marka laga tago Hawdka laga sifeeyay, waxaa ka mid ah magaalooyinka, Wabxo, Jaaw, Bidda Ciise, Daadale iyo Galqoryaale” ayuu wasiir kuxigeenku kusoo qoray bartiisa Facebook.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in iska horimaad maanta ku dhexmaray duleedka  Wabxo  xoogaga Al-shabaab iyo ciidanka dowladda.

Arrintaan ayaa kusoo beegemeysa xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  u joogo magaalada Dhuusamreeb ee maamul goboleedka Galmudug sidii dowladdu u qaadi  lahayd dagaal xooggan oo Al-shabaab looga xoreynaayo deegaanada ku haray gacan ku hayntooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here