Saturday, July 27, 2024

Tartanka Kubadda Cagta ee M/Goboleedyada oo la hakiyay

Muqdisho (Dawan)- Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in la hakiyay tartanka ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo shalay ka furmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta ayaa lagu sheegay in tartanka la hakiyay muddo labo maalmood ah, iyada oo dib loo ciyaari doono maalinta Isniinta ee ku beegan 1-da Janaayo 2024.

“Waxaan idin ku wargelinaynaa in la hakiyay ciyaaraha Maamul Goboleedka iyo Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddada labada maalmood ee soo socota, iyada oo la ciyaari doono 1-da January 2024. Waxaan idin la soo wadaagi doona jadwalka ciyaaraha tartanka ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeedka Xiriirka Kubadda Cagta.

Sidoo kale, Wasaaradda Ciyaaraha ayaa xaqiijisay in dib loo dhigay kulankii maanta oo Sabti ah dhex mari lahaa Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, sababo farsamo awgeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Waxaan taageerayaasha tartanka Mar labaad ku wargelineynaa in ciyaartii dhici laheyd galabta ee u dhaxaysay Banaadir iyo Koonfur Galbeed ay u baaqatay cellado farsamo awgeed, iyadoo la ciyaari doono maalinka Isniinta ah oo ku beegan 1-da January 2024”

Ciyaartii furitaanka tartanka ee Jimcihii ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa u dhaxeysay Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ku soo idlaatay barbardhac hal iyo hal ah, iyada oo ay ka soo qeyb galeen taageerayaal lagu qiysaasay in ka badan 46,000 oo qof.

Garoonka waxaa isagu yimid kumanaan qof oo isagu jira rag, dumar, dhallin yaro iyo dad da’ ah kuwaas oo watay calamdaha labada Maamul Goboleed, iyada oo ay ka muuqatay xiisaha iyo xamaasadda ay u hayan Kubadda Cagta.

Ciyaarta waxaa daah furay, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, isaga oo tilmaamay kaalinta muuqata ee Ciyaaruhu ka qaataan is dhax galka bulshada iyo isu keenidda dad kala duwan oo kasoo kala jeeda Gobollada dalka oo idil.

Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ee ay dhistay Dowladda Shiinaha sannadkii 1978-dii ayaa qaada dad lagu qiyaasayo 60,000 oo qof.

Garoonka ayaa sannadkii 2011-kii saldhig u noqday Ciidamadii Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii laga saaray kooxda Al-shabaab, iyada oo dib loogu wareejiyay mas’uuliyaddiisa hay’adaha ku shaqada leh ciyaaraha sannadkii 2019-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here