Saturday, July 27, 2024

Muwaadin Mareykan ah oo doonayay inuu ku biiro AS oo lagu xiray Kenya

Nairobi (Dawan)- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadin Mareykan ah oo kasoo jeeda New Jersey in lagu xiray Kenya, kaas oo lagu eedeeyay isku dayay uu ku doonayay inuu caawiyo Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, si ay u fuliyaan falal ka dhan ah danaha Mareykanka.

Wasaaraddu waxay intaas raacisay in weerarkii Xamaas ay ku qaaday 7-dii ocotober inuu xamaasad geliyay dadka uu ka mid yahay ninka la xiray

Bayaan ay Wasaaraddu soo saartay shalay oo Jimco ahayd ayay ku sheegaty in Kariim Nasr, oo ah muwaadin Mareykan ah kaas oo u guuray Masar bishii July 14-keedii lagu xiray Nairobi 14-kii December, iyada oo dib loogu tarxiilay Mareykanka Khamiistii lasoo dhaafay.

Eedeysanaha oo 23-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu isku dayay inuu taageero agab ah u fidiyo urur ajnabi ah oo ay Dowladda Mareykanku u aqoonsantahay urur argagixiso, isaga oo la kulmi doona haddii dembiga lagu helo ciqaab ah 20 sano oo Xabsi ah, sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, Damian Williams ayaa yiri, “Waxaa la sheegay in Kariim Nasr, oo weeraradii ay Xamaas fulisay 7-dii October, la dhacsan uu naftiisa u huray Jihaad ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadiisa.”

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in la helay qoraalo iyo warbixinio sirdoon oo dhamaantooda muujinaya inuu Kariim qorheynayay inuu la kulmo xubno Al-shabaab ah si uu ugu biiro ururka ugana dagaalamo Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here