Saturday, July 27, 2024

Waa kuma ninka ay Xuutiyiintu mar afduubteen ee Yemen ka noqday R/ Wasaare?

Sanca (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Dr. Axmed Cawad Bin Mubaarak oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Yemen.

Xamasa ayaa bartiisa X ku qoray “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba, waxaan hambalyo diirran iyo duco u dirayaa Mudane Dr. Axmed Cawad bin Mubaarak, oo ku aaddan magacaabistiisa Ra’iisal Wasaaranimo.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu duceeyay  inuu Ilaah la garab galo mas’uuliyadda loo igmaday isaga oo sidoo kale  u rajeeyay Dowladda iyo shacabka Yemen, horumar, bashbash iyo xasillooni dheeraad ah inta uu  hoggaanka u hayo.

Waa kuma Ra’iisul Wasaraaha cusub ee Yemen?

Golaha Hoggaamiya Dowladda Yemen  ayaa soo saaray  Isniintii wareegto madaxtooyo oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Cawad bin Mubaarak  loo  magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas, isaga oo beddelay Ra’iisul Wasaarihii hore Maciin Cabdulmalik.

Bin Mubaarak waxa uu soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Yemen  ilaa 2020-kii.

Axmed Cawad bin Mubaarak  ayaa ku  dhashay magaalada Cadan sannadkii 1968-kii, waxa uu shahaadada Master-ka iyo PHD-daba ka qaatay  Jaamacadda Baqdaad, isaga oo ku takhasusay Maamulka iyo Maareynta.

2012, Bin Mubaarak waxaa loo magacaabay xubin ka tirsan guddiga loo xilsaaray diyaarinta shirweynaha wada-tashiga qaran ee loo dhan yahay, isagoo ahaa wakiil madax-bannaan.

January 18, 2013, Madaxweynihii hore ee Yemen, Cabdi Rabbuh Mansour Haadi ayaa soo saaray go’aan uu bin  Mubaarak ugu magacaabay Xoghayaha Guud ee Shirweynaha Wada-tashiga Qaran ee loo dhan yahay.

June 11, 2014, Bin Mubaarak waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Yemen

Waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Yemen bishii October 2014-kii, balse wuu ka cudur-daartay inuu aqbalo xilkaas kaddib markii ay kasoo horjeesteen Xuutiyiinta.

January 17, 2015, waxaa afduubtay Kooxda Xuutiyiinta,  isagoo ahaa xilligaas xoghayihii guud ee guddiga diyaarinta Dastuurka, wuxuna afduubnaa ilaa  13 maalmood.

Kadib waxaa billaawday dagaal culus markii ay Xuutiyiintu go’doomiyeen  Madaxweynihi  iyo Ra’iisal Wasaarahiisa kadibna ay ku dhawaaqeen in ay xilka ka qaadeen, dagaalkaas oo ilaa maanta socda inkasta oo ay labada dhinac hadda kawada xaajoonayaan sidii xal waara loo gaari lahaa.

Bishii Julay  2015, Bin Mubaarak waxaa loo magacaabay safiirka Yemen u qaabilsan Mareykanka,  Mexico, Brazil, iyo Argentina.

Booqashadiisi Soomaaliya 2023

Axmed Cawad bin Mubaarak ayaa soo booqday Soomaaliya bishii January ee sannadkii 2023, isaga oo xilligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Yemen, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Soomaalida oo ay ku jiraan Hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Bin Mubaarak inta uu ku jiray booqashadiisa waxa uu dhagax dhigay xarunta Safaaradda Yemen ee Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in ay safaaraddu howl geli doonto dhawaan si loogu adeego muwaadiniinta Yemen ee usoo qaxay Soomaaliya.

Qoraal uu xilligaas soo dhigay bartiisa X ayuu aad ugu amaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu dadaalayaan in ay kasoo kabtaan dhibaatadii dagaalada sokeeye iyo ixtirmaaka ay u hayaan shacabka Yemen, waxa uuna yiri;

“Dhulka iyo dadka Yemen waxa ay uga yaalaan quluubta Soomaalida meel gaar ah, sidaas darteed dadkan wanaagsan waxaa ka muuqda kalgacal iyo qadarin ay u qabaan reer Yemen”

Waxa uu raaciyay hadalkiisa; ” Waxaan ka tegaya dalkan qaaliga igu ah kadib seddex maalin oo aan booqasho ku joogay, aniga oo arkay rabitaanka dhabta ah ee Soomaalida iyo sida ay uga go’an tahay in ay iska jafaan boorka dagaalada, si ay dib ugu dhisaan dalkooda uguna noolaadaan nabad iyo xasillooni”

In ka badan 9 sano ayuu dagaal sokeeye ka socda dalka Yemen, iyada oo ay kumaan qof ku naf waayen inkasta oo ay hadda jirto rajo ah in ugu dambeyn miiska wada hadalka lagu dhameeyo dhibaatada jirta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here