Saturday, July 27, 2024

Iskaashiga ganacsiga Jabuuti iyo Turkiga oo kor u kacay 10-sano ee ugu dambeeyay

Jabuuti (Dawan)- Shirkii shanaad ee Guddiga dhaqaalaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa Isniinti (shalay) qabsoomay, iyada oo ay shir gudoomiyeen Wasiirka Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga Cabdulqaadir Uraloğlu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Kulanka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, ayuu Wasiirka Gaadiidka Turkigu tilmaamay horumraka laga gaaray iskaashiga labada Dowladood tan iyo markii ay is dhaafsadeen furitaanka safaaradaha oo laga joogo muddo toban sano ah.

Wasiirka ayaa sheegay in isweydaarisaga ganacsiga ee labada dal inuu gaaray $500 milyan, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in lasii kordhiyo mustaqbalka dhaw.

Wasiir Uraloğlu ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay goobta juquraafiga ah ee Turkiga iyo fursadda uga bannaan Jabuuti, waxa uuna yiri ” Waxaan xiriir la leenahay wadamo badan oo caalamka ah. Diyaarada Turkish Airlines ayaa duulimaad ku tagtaa 130 wadan iyo 343 goobood. Tani waxay sidoo kale fursad muhiim ah u tahay Jabuuti oo uga faa’iideysan karta in ay caalamka u furanto”

Marka la eego mashaariicda uu Turkigu fuliyo, Uraloğlu waxa uu tilmaamay in dalkiisu uu dhawaan Jabuuti ka hirgeliayay deegaan lagu magacaabo “Aagga Istanbul” iyada oo sidoo kale laga shaqeynayo dhismaha Masjidka Cabdul Xamiid.

Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA ayaa sidoo kale qorsheyneysa in ay Jabuuti ka fuliso mashaariicda adeegyada dadweynaha sida Isbitaal, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Turkiga.

Maalgashadayaasha Turkiga ayaa ka fuliyay Jabuuti 21 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay $205 milyan, waxeyna qorsheynayaan in ay sii dardargeliyaan maalgashiga iyo mashaariicda ay ka wadaan Jabuuti.

Uraloğlu wuxuu xusay suurtagalnimada ah in la fuliyo mashaariic badan oo aan ku koobnayn dhinaca Gaadiidka, laakiin sidoo kale dhinacyada Beeraha, Tamarta, Kalluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha.

Kulanka ka dib waxa ay labada dhinac kala saxiixdeen 15 heshiisyo is afgarad ah oo heerar kala duwan leh, kuwaas oo isagu jira dhinacyada Beeraha, Dalxiiska, Deegaanka iyo Kalluumeysiga.

Biya-Xireenka Ambouli

Dhanka kale, Wasiirka Gaadiidka Turkiga ayaa ka qeyb galay munaasabd xariga loo jaray biya-xireenka Ambouli oo ay hirgelisay Dowladda Turkiga si xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha daadadka xilliyada ay da’aan roobabka mahiigaanka ah.

Wasiirka Beeraha, Biyaha iyo Xannaanada Xoolaha ee dalka Jabuuti, Maxamed Axmed Cawaale, ayaa uga mahad-celiyay Turkiga iyo madaxweynahooda Recep Tayyip Erdoğan hirgelinta biyo-xireenkan oo waxtar ballaaran u leh caasimadda Jabuuti.

Wasiirka oo sharraxaad ka bixiyay biya-xireenka ayaa sheegay in dhererkiisu yahay 394 Mitir, joogiisuna uu dhan yahay ilaa 60 Mitir, waxaana uu sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay sidii Caasimadda looga ilaalin lahaa masiibooyinka fatahaadaha.

Awale waxa uu xusay in mashruuca biyo-xireeeenku uu bilaabmay bishii August ee sanadkii 2017-kii, lana dhameeyay bishii June ee sanadkii 2020-ka, isaga oo qaadi kara 14 milyan oo mitir kuyuub ah.

Waxa uu intaas raaciyay in biyo-xireenkan uu ka hortagay dhammaan fatahaadihii dhacay tan iyo markii la dhisay, isla markaana aysan caasimaddu la kulmin daadad xoogan, isagoo mahadcelin ballaaran u jeediyay Dowladda Turkiga iyo hoggaanka guud ee arrimaha biyaha oo dhisay biyo-xireenkan.

Kulanka Madaxweyne Geelle

Ugu dambeyn wafdiga Turkiga ee uu hogaaaminayay Wasiirka Gaadiidka ayaa la kulamay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxeyna isla soo qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Jabuuti iyo Turkiga.

“Kulankan waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo shirka 5-aad ee Guddiga dhaqaalaha ee Jabuuti iyo Turkiga uu ka dhacayo Jabuuti. Waxaa qiimeyn lagu sameeyay mashaariicdii horay loo fuliyay, sidoo kalena waxaa la isla gartay in kuwa cusub la fuliyo” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here