Saturday, July 27, 2024

Waa maxay qaraarka ay ka carootay Somaliland ee Golaha Ammaanka?

Hargeysa (Dawan)- Maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimid qaraarka Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kaas oo soo jeedinaya in howlaha loo xilsaaray ATMIS ay mid tahay Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa lagu yiri ” “Somaliland waa dal madax banaan , ATMIS-na waligeed kama howlgelin. Somaliland waxay dhowr jeer sheegtay mowqifkeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, hadana waxaa ku celineysa iyada oo la eegayo xaaladihii ugu dambeeyay”.

Wasaaradda ayaa intaas raacisay ” Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku aaddan go’aan kasta oo ATMIS looga hawlgelinayo Somaliland, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.”

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here