Saturday, July 27, 2024

Mashruuca kobcinta maamulka Kheyraadka dadweynaha oo la daahfuray

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimada mashaaruucaan iyo sida uu taagero fursamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka.

Biixi ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kale duwan maanta uu ugu dambeyn dhaqangalay oo la daahfuray, waxa uuna sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliiyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug Mudane Farxaan Cali Maxamuud oo magaca Wasiirada Dowlad Goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxa sido kale ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday Hey’addaha Dowladda Federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maalgalinaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here