Monday, May 20, 2024

Waa maxay sharciga heer nidaamiyaha NISA?

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa isbuuci hore ansixiyay Xeer Nidaamiyaha hay’adda Sirdoonnka iyo Nabad sugidda qaranka.

Anisixinta xeer nidaamiyahaan ayaa daba socota Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, uu madaxweynaha Soomaaliya saxiixay 8-dii Maarso 2023 kadib markii uu soo maray labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, wuxuu qeexay Mabaadi’da hagaysa shaqada Hay’adda, wuxuuna xeeriyey arrimaha asaasiga ah ee khuseeya qaab-dhismeedka Hay’adda,maqaamkeeda sharciyeed, shaqadeeda iyo awoodaheeda. Wuxuu kaloo
caddeeyey xuquuqda asaasiga ah ee xubnaha Hay’adda, awoodahooda,
waxayaabaha ka reebban, waajibaadka iyo hawl-gelinta ciidanka iyo arrimo kale
oo muhiim u ah shaqada HSNQ.

Marka intaas laga soo tago waxaa uu Sharcigu qeexay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka yeelaneyso Xeer Nidaamiye dhammeystiraya isla markaana faahfaahinaya arrimo badan oo shaqada HSNQ lama huraan u ah, oo sharciga Hay’addu u dhaafay in Xeer Nidaamiyuhu xeeriyo.

Waxyaabaha muhiimka ah ee sharciga HSNQ uu tilmaamay in lagu nidaamiyo ama uu u xawilay in loo raaco si waafaqsan Xeer-nidaamiyaha Hay’adda waxaa ka mid ah:

  • Faahfaahinta hannaanka shaqo-ka-saaridda, keyd-gelinta iyo xil-ka-qaadista xubnaha Hay’adda
  • Waajibka Agaasimaha Guud (Taliyaha) ee Hay’adda ka saaran ilaalinta iyo meel-marinta Sharciga, Xeer-nidaamiyaha iyo Xeer-hoosaadka HSNQ
  • Qeexidda Kaaliyaha noqonaya sii-hayaha xilka iyo xafiiska Agaasimaha Guud/Taliyaha ee Hay’adda markii uu bannaanaado sabab ay ahaataba
  • Nidaaminta mushaaraadka, gunnooyinka iyo guud ahaan xuquuqda xubnaha Hay’adda
  • Nidaaminta derejooyinka iyo dallacaadda ciidanka iyo guud ahaan xubnaha Hay’adda
  • Habka cabashada iyo dacwad sheegashada xubnaha Hay’adda iyo cid kasta oo heshiis kula shaqeeya HSNQ

Qodobka ugu muhiimsan ayaa loo arkaa qodobka qeexaya qofka noqonaya sii-hayaha xilka iyo xafiiska Agaasimaha Guud/Taliyaha ee Hay’adda markii uu bannaanaado sabab ay ahaataba.

Golaha Wasiiradda ayaa soo magacaabaya sii hayaha hadii uu agaamiha xilka ku banneeyo sabab aan soo noqosha lahayn, halka marka uu dalka dibadiisa u safro uu isaga magacaabayo sii hayaha.

Sidoo kale sharcigaan ayaa qeexaya awoodaha, shaqada iyo dhamaan howlaha hay’adda quseeya, wuxuuna Hay’adda awood usiinaya in ay si toos ah ama si dadban u dhex gali karto xafiisyadda hay’adda kale ee dowladda.

Qodobada kale ee xeer nidaamiyahaan ayaa faahfaahinaya arrimaha quseeya howlwadeena Hay’adda sida, waajibkooda, xuquuqdooda, dallacsiintooda, anshaxooda, iyo fasaxyadooda

Sharcigaan ayaa umuuqda  mid meesha ka saari doona tuhunkii ahaa ku tagrifalka awooda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha Wasiirada ugu mahadceliyay meel marinta Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isaga oo sheegay inuu soo maray dhammaan habraacyadii loo baahnaa.

” Xeer Nidaamkaan oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u leh socodsiinta iyo horumrinta howlaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, wuxuu ka jawaabaya baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga NISA, wuxuuna xeerinaya arrimo lama huraan u ah shaqda Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay NISA.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here