Saturday, July 27, 2024

Waare oo loo magacaabay Ku Xigeenka Xoghayaha ururka IGAD

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee urur goboleedka IGAD.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista Waare ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo usoo hoyatay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in xilka cusub ee loo igmaday Maxamed Cabdi Waare uu kor u qaadi doono sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ahaa ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsanaa xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ah in kasta oo xilkaas dhawaan loo magacaabay  Cumar Ibraahim Xaashi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxamed Cabdi Waare ugu hambalyeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo kula dardaraamay inuu sida ugu habboon ugu metelo Soomaaliya.

Shariif ayaa bartiisa Facebook ku qoraya ” Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynihi hore ee Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare oo noqday ku xigeenka Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD. Waxaan rajaynaynaa in sida ugu habboon uu dalkeenna ugu matali doono ururka IGAD, annagoo fahamsan muhiimadda ay noo leedahay inaan qayb ka noqonno hoggaanka sare ee ururkan”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here