Saturday, July 27, 2024

Ururka IGAD oo ku baaqay in Suudaan laga hirgeliyo xabbad joojin deg-deg ah

Jabuuti (Dawan)- Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka 41-aad ee Madaxda dowladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD kaas oo socday muddo hal maalin ah.

Shirka ayaa u jeedkiisu ahaa in looga hadlo danaha dalalka Bariga Afrika ee ku mideysan urur goboleedka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha ka taagan dalkaas.

Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa isku raacay in la fududeeyo wadahadal wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada isku haya Suudaan si loo soo afjaro colaadda iyo dagaalka sababyay kharaasaraha tirada badan

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa ku celiyay sida ay ururka uga go’an tahay inuu horseed ka noqdo wada hadal nabadeed oo dhex mara labada dhinac, isaga oo sheegay in danta reer Suudaan ay ku jirto in si deg-deg ah xal loo gaaro.

Dr. Workneh Gebeyehu ayaa intaas raaciyay in madaxdu ka heleen dhinacyada isku dagaalaya Suudaan ballan qaad ah in ay diyaar u yihiin in ay wada hadalaan, isaga oo ku tilmaamay tillaabadaas mid muhiim u ah dadka iyo dalka Suudaan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah Guddoomiyaha urur goboleekda IGAD, ayaa ku baaqay xabbad-joojin deg-deg ah , isaga oo sheegay in colaadaha ay saameyn ku yeelan doonaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Waxaan ku baaqayaa xabbad joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Suudaan. Rabshadahaas waxay khatar ku yihiin jiritaanka dalka iyo xasilloonida gobolka. Shir madaxeedka maanta waa iftiin rajo ah, Suudaan-na waxay u baahan tahay nabad,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’antahay in xal laga gaaro colaadda Suudaan, isaga oo shacabka Suudaan xasuusiyay dhibaatada ay colaaddu gaarsiisay dadka Soomaaliyeed kadib markii ay iska burburiyeen dowladdodi.

Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billowday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada kale ee kasoo horjeeda ee loo yaqaano (RSF) tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa booqasho ku tegay dalka Jabuuti dhammaadkii bishii November, isaga oo Madaxweyne Geelle kala hadlay sidii looga shaqeyn laha xal u helidda dagaalka Suudaan, nabadda iyo xasilinta Geeska Afrika iyo iskaashiga arrimaha caalamiga ah.

Al-Burhaan ayaa bogaadiyay Urur goboleedka IGAD oo uu Geelle ka yahay guddoomiyaha iyo kaalinta uu ka qaatay xal u raadinta colaadda dalka Suudaan, isaga oo ku baaqay in lasii dardargeliyo dadaaladda ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka Suudaan

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD oo ka kooban sideed dal kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Suudaan, Uganda iyo Koonfurta Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here