Saturday, July 27, 2024

Wada xaajoodkii biya-xireenka Itoobiya oo fashil ku dhamaaday

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday, Arbacadii, in aan wax heshiis ah la gaarin shirkii afraad ee wada xaajoodka Biyo-xireenka Itoobiya, iyada oo ku eedeysay Masar in ay ku adkaysatay mowqifkeedi hore.

Dowlada Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa ku yeeshay Magaalada Addis Ababa wada xaajoodkoodi afaraad ee xal u raadinta saami qeybsiga Wabiga Nile iyo Biya-xireenka Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Masar ku eedeysay in ay jabisay Axdiga Qaramada Midoobay iyo Sharciyada Midowga Afrika ee ku saabsan saami qeybsiga biyaha Nile-ka.

“Waan diidnay in ay Masar wax ka bedesho mowqifkeeda iyo in la carqaladeeyo dadaallada la isagu soo dhaweynayo wada xaajoodka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya

Fiidnimadii Talaadada, Masar waxay ku dhawaaqday in la soo gabagebeeyey shirkii afraad ee ugu dambeeyay ee geeddi-socodka wada xaajoodka Biyo-xireenka iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin, waxeyna ku eedaysay Addis Ababa inay diiday in xal waara la gaaro.

Masar waxa ay carrabka ku dhufatay in ay xaq u leedahay in ay difaacato xuquuqda iyo saamiga ay u leedahay biyaha Wabiga Nile.

Wasaaradda Waraabka Masar ayaa tiri ” Shirkii Addis Ababa ka dhacay wax natiijo ah lagama soo saarin, sababtoo ah Itoobiya waxa ay diiday in fuliso qodobada lasoo jeediyay ee xalka lagu raadinayo iyo sharciyada lagu xaqiijinayo danaha seddexda dal”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku  dhawaaqay bishii Septemeber in la dhameystiray  Biyo-xireenka weyn ee Wabiga Niilka Buluuga ah, kaas oo la qorsheynayo in laga dhaliyo koronto daboosha baahida ay muwaadiniinta dalkaas u qabaan koronto ku filan.

Biyo-xireenkaan ayaa laga sameeyay  Blue Nile-ka  gaar ahaan Gobolka Benishangul-Gumuz, oo qiyaastii 30 km u jira xudduudda Suudaan.

Dhererka Biya-xireenka ayaa lagu sheegay 1.8 km, halka joogisu gaarayo  145 mitir.

Bishii Febraayo 2022, Itoobiya ayaa  si rasmi ah u billaawday inay koronto kasoo saarto  Biya- xireenkaan oo ay ku baxday lacag gaareysa  afar bilyan oo doolar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here