Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfintana ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

New York

Markii seddexaad ayaa dib loo dhigay codeyn uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u qaadi lahaa qaraar ku baaqaya in la joojiyo dagaalka Gaza, si gargaar loo gaarsiiyo maalinta Arbacada.

Congo

Muwaadiniinta Congo ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo Khamiis ah ka dib markii guddiga doorashada dalkaas uu maalin kale ku kordhiyay codeynta doorashada guud..
Guddiga ayaa arrintaan ku sababeeyay kadib markii dib u dhac ku yimid agabka codbixinta ee la geyn lahaa goobaha kala duwan ee doorashooyinka.

Turkiga-Masar

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-sisi in ay lagama maarmaan tahay in wadamada Muslimiinta ah ay sii wadaan dadaalkooda mideysan ee xabbad joojin waarta looga hirgelinayo Marinka Gaza.

Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Arbacadii sheegay in la gaaray waqtigii reer Yurub ay si cad oo mideysan uga hadli lahaayeen weerarrada naxariis darada ah ee ay Israa’iil ka fulineyso Marinka Gaza.

Brussels

Guddoomiyaha Baarlamaanka Yurub, Roberta Metsola iyo mas’uuliyiinta u qaabilsan Baarlamaanka heshiiska megangelyada iyo socdaalka ayaa Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Brussels kadib markii ay soo idlaatay wadahadalladdii ku saabsanaa arrimaha qaxootiga.

Mareykanka – Venezuela

Dowladda Mareykanka ayaa sii deysay Alex Saab oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyada oo lagu beddelanayo 10 qof oo Mareykan ah kuwaas oo ku xirnaa Venezuela.

Israa’iil- Falastiin

Warbaahinta Israa’iil ayaa Arbacadii sheegtay in ciidamadu ay ku xireen boqollaal Falastiiniyiin ah Marinka Gaza, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin xoogagga sida gaarka u tababaran ee garabka hubaysan ee Xamaas.

Faransiiska

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo lagu magacaabo Thomas Portes ayaa ugu baaqay dowladdiisa Arbacadii in ay baaritaan ku sameyso in ka badan 4,000 oo muwaadiniin Faransiis ah kuwaas oo ka garab dagaalamaya ciidamada Israa’iil si loo ogaado in ay galeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadka Falastiin.

Israa’iil

Warbaahinta Dadweynaha Israa’iil (KAN) ayaa Arbacadii sheegtay, in Israa’iil ay u diyaar garoobeyso in ay qaadato go’aano qaraar oo ay ka mid ah tahay in xabsiga laga sii daayo shakhsiyaad ay khatar u arkaan shacabka Israa’iil.
Arrintaan ayaa qeyb ka ah heshiis cusub oo la filaayo in ay labada dhinac isku dhaafsadaan maxaabiista ay kala heystaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here