Wednesday, December 4, 2024

Walaac laga muujiyay saamaynta kororka tirada qaxootiga ee Dhadhaab

Gaarisa (Dawan)- Kadib booqashadii guddiga horumarinta gobolka waqooyi-bari ee baarlamaanka Kenya ay ku tageen xerada Dhadhaab, hogaamiyayaasha Gaarisa ayaa digniin culus ka soo saaray saamaynta sii kordheysa ee qaxootiga ku yeelanayaan bulshooyinka deegaanka iyo kheyraadka.

Kulan ka dhacay magaalada Mombasa, ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha dhaqaale iyo amni ee ay la kulmaan dadka deegaanka ee martigeliya qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab.

Guddoomiyaha Gaarisa, Nathif Jaamac, ayaa hoosta ka xariiqay in qaxootiga ku sugan xerada Dhadhaab oo lagu qiyaasay ku dhawaad 500,000 ay si weyn u saameeyeen nolosha deegaanka, gaar ahaan dhanka kheyraadka iyo amniga. “Kororka tirada qaxootiga ee aan lahayn qorshe wax ku ool ah oo lagu maareeyo ayaa keentay in bulshooyinka deegaanka ay la kulmaan xaalufka kheyraadka iyo ammaan darro,” ayuu yiri Jaamac, isaga oo ku baaqay in dowladda iyo hay’adaha ay khuseyso ay dejiyaan siyaasad degdeg ah oo wax looga qabto arrintan.

Xildhibaan Dekow Barrow oo laga soo doorto Gaarisa ayaa sidoo kale ku biiray baaqan, isaga oo ku dhaliilay in Kenya aysan lahayn siyaasad cad oo lagu maareeyo qaxootiga. Waxa uu sheegay in UNHCR ay si buuxda ula wareegtay maamulka qaxootiga dalka, iyada oo aan taageero dhab ah ka helin dowladda Kenya, taas oo saameyn taban ku leh deegaannada marti galinaya qaxootiga.

Madaxa Waaxda Adeegga Qaxootiga (DRS), John Burugu, ayaa isna tilmaamay in Kenya aysan lahayn qaab siyaasadeed oo dhamaystiran oo lagu hago maareynta qaxootiga, taas oo dhibaato ka taagan tahay xilli tirada qaxootiga ay sii kordhayso.

Hogaamiyayaasha Gaarisa ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay si degdeg ah u dejiso istaraatiijiyad lagu maareeyo qaxootiga, iyagoo ku booriyay in la iska kaashado dadaallada lagu xallinayo saameynta qaxootiga, iyada oo lala kaashanayo daneeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo nabadgelyo iyo xasilooni waarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here