Friday, October 4, 2024

Soomaaliya oo dhaqan gelineysa xayiraadihii lagu soo rogay shirkado lala xiriirinayo AS

Muqdisho (Dawan)- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa ku dhawaaqay dhaqan gelinta cunaqabateyn ka dhan 16 hay’adood iyo shaqsiyaad ku lug leh ballaarinta shabakado ganacsi oo ku yaal Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Qubrus, kuwaas oo lagu eedeyay lacag dhiqid iyo maalgelinta kooxda Al-Shabaab iyada oo la tixraacayo War-Saxaafadeedkii ay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka soo saartay 11-kii bishaan march 2024.

War-saxaafadeed kasoo baxay Bangiga ayaa lagu yiri; ” Laga billaabo 14 Maarso 2024, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu Waaxda Maaliyadda Mareykanka ku waafaqay liiska shaqsiyaadka iyo shirkadaha ay xayiraadda ku soo rogtay si waafaqsan qodoba Saddexaad ee sharciga la dagaallanka Argagixisda iyo la dagaallanka lacag dhaqista ee soo baxay 2016″.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faray dhammaan Bangiyada diiwaan gashan in ay qaadaan tallaabooyinka lagu dhaqan gelinayo cunaqabateynta lagu soo rogay shakhsiyaadka iyo shirkadaha lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab, waxa uuna soo saaray amarada soo socda;


Sidoo kale Bangiga Dhexe ayaa ugu baaqay bangiyada in ay xusuusnaadaan raacidda nidaamka “Garo macaamiilkaaga” ee la jaanqaadaya habraacyada uu jideynayo Sharciga ka hortagga lacaq dhaqista ee soo baxay 2016 qodobkiisa shanaad ee ka hadlaya “Heynta Xogta Dhaqanka Macaamiilka”.

” Bangi kasta waa inuu tixgeliyo waajibaadkiisa ah inuu garto lacagaha la dhaqay iyo khatarta Maalgelinta Argagaxisada taasoo saameyn ku yeelan karta hab-socodka hawlihiisa, si waafaqsan qodobka 9-aad ee Sharciga ka hortagga lacaq dhaqista ee soo baxay 2016 ee ka hadlaya “Waajibka xaddididda iyo maaraynta khatarta lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe.

Dhaqangelinta cunaqabateynta caalamiga ah ee Bankiga Dhexe ayaa ka tarjumaysa go’aanka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kula jaan qaado hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo in ay gacan ka geysato dadaalka wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo hufnaanta dhaqaale ee caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here