Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta sedaxda Hindise Sharciyeed ee Guddiga u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha. Waxaa ogolaaday 170-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Kismaayo

In ka badan 30 xildhibaan oo kasoo jeeda Jubaland kuna sugan hadda Kismaayo ayaa ka hor yimid go’aankii lagu magacaabay Guddiga Kumeel gaar ah ee qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka

Xildhibaannadu waxay dhinaca kale ayideen go’aankii Jubaland ee ahaa inay qabsato doorashooyinkeeda dadban.

Baku

Soomaaliya ayaa ka qaybgashay shirka isbedelka cimilada COP29 ee maanta ka furmay magaalada Baku ee Azerbaijan.

Hargeysa

Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ballan qaaday inaysan dhici doonin muddo kororsi hadduu uu ku guuleysto madaxtinimada Somaliland. sida qorshuhu yahay 13ka bishaan November ayay dadwaynuhu u dareeri doonaan gooba codbixinta si ay usoo doortaan madaxweyanaha xukumi doona 5 sano ee soo socota.

Sacuudiga

Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga waxay martigelineysa shir madaxeedka wadamada Islaamka iyo Carabta oo looga hadlayo dagaalada ka socda Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goob joog ah shirka isaga oo ka jeedin doona khudbad ku saabsan mowqifka Soomaaliya ee dagaallada Bariga Dhexe.

Soomaaliya / Masar

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kala hadlay Guddoomiyaha magaalada Qaahira ee Masar Ibraahim Saabir, iskaashiga dhinaca tababarrada, qorsheynta iyo maamulka dowladaha hoose, kor u qaadida tayada kaabayaasha dhaqaalaha iyo samaynta xarumaha muhiimka u ah bilicda magaalada.

Kenya

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa xoolaha dhaca ayaa toogasho ku dilay saddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee ismaamulka Isiolo ee Kenya.

Itoobiya

Derbe Belete oo ahaa madaxii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee magaalada Kobo ee gobolka Amxaarada ayaa shalay la dilay kadib markii weerar lagu soo qaaday hotel uu ku sugnaa.

Chad

Ugu yaraan 15 askari ayaa lagu dilay 32 kalena waa lagu dhaawacay iska horimaad dhexmaray Axaddii ciidamada dowladda Chad iyo kooxda Boko Xaram, sida laga soo xigtay militeriga dalkaas.

Hungry

Hungary waxay martigelineysaa shir diiradda lagu saarayo arrimaha tahriibka oo ay ka qayb gelayaan in ka badan 40 dal iyo 10 urur goboleed iyo kuwa caalami ah. Shirkaan waxaa markii ugu dambeysay lagu qabtay Turkiga 2019.

Haiti

Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Haiti ayaa xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Garry Conille, oo xilka hayay wax ka yar lix bilood, waxayna magacaabeen Alix Didier Fils-Aime.

Azerbaijan

Magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan waxaa maanta oo isniin ah ka furmay shirka isbedelka cimilada ee COP29. Shirku waxa uu socon doona ilaa 22 bishaan November, iyada oo diiradda lagu saarayo dejinta yoolal cusub oo la xiriira maalgelinta iyo taageeridda dadaallada dalalka soo koraya si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here