Wednesday, December 4, 2024

7 arrin ka ogaaw shirka isbedelka Cimilada ee Azerbaijan

Baku (Dawan)- Magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan waxaa maanta oo isniin ah ka furmay shirka wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee ku saabsan isbedelka cimilada ee COP29. Shirku waxa uu socon doona ilaa 22 bishaan November., iyada oo diiradda lagu saarayo dejinta yoolal cusub oo la xiriira maalgelinta iyo taageeridda dadaallada dalalka soo koraya si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

Hadaba kusoo dhawaw todobo (7) arrin oo ay tahay inaad ka ogaato shirka COP29

  1. Soomaaliya oo baadi goobeysa maalgelin

    Soomaaliya waxaa shirka ku metelaya wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Khadiija Maxamed Al-makhzoumi. Soomaaliya waxay baadi goob ugu jirtaa sidii ay caalmaka uga heli leheed dhaqaalo wax looga qabto aafooyiinka ka dhasha isbedelka cimilada, iyada oo ay dalka ka dhaceen sanadihii lasoo dhaafay abaaro iyo fatahaado is daba joog ah.
  2. Waa maxay ujeedada COP29?

    Ujeedaka guud ee COP29, waa in waddamadu ku heshiiyaan, qorshayaasha wax looga qabanayo isbeddelka cimilada, iyada oo la yareynayo kulaylka dunida ee sii kordhaya sidoo kalena la caawinayo dowladaha ugu nugul isbedelka cimilada.

    Sannadkii 2015-kii, waxaa lagu heshiiyay ina hoos loo dhigo qiiqa ay hawada kusii daayan wadamada leh warshadaha waawayn.
  3. Muxuu yahay ajandaha sanadkan?

    COP29 waxaa loogu magac daray sanadkan “Shirka Maaliyadda COP,” si xooga loo saaro ballaarinta maaliyadda ee dhanka isbedelka cimilada. Qorshuhu waxay uu yahay in la caawiyo wadamada u nugul isbedelka cimilada iyo bulshooyiinka ay saamayntu soo gaartay, si ay u yeeshaan awood la qabsi
  4. Halkee laga keenaya lacagta?

    Sida ku cad heshiiskii Paris ee ku saabsanaa wax ka qabashada isbedelka cimilada, maalgelintu waa inay ka timaadaa wadamada dakhligoodu sarreeyo ee taariikh ahaan xambaarsan mas’uuliyadda ugu weyn ee isbedelka cimilada. Intaa waxaa dheer, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, dhammaan dowladaha kale ee awooda waa inay ka qayb qaataan bixinta dhaqaalaha. Lacagtu waa inay ahaataa mid kaalmo ah oo aan ahayn mid loo bixiyo qaab deyn ah, oo keeni karta mustaqabalka dhibaatooyin dhaqaale.
  5. Maxay la egtahay lacagta loo baahanyahay ?

    Hay’adda Amnesty International iyo hay’ado kale oo u dhaqdhaqaaqa wax ka qabashada isbedelka cimilada waxay ku baaqayaan in la uruuriyo ugu yaraan US $ 1 tiriliyan sannadkii.
  6. Sidee ayuu isbeddelka cimiladu u saameeyay dadka 2024?

    Isbeddelka cimiladu waxa uu keenay inuu heerkulku gaaro xad dhaaf, iyada oo lagu qiyaasay sannadka 2024 sanadka ugu kulul inta laga warqabo. Fatahaado, duufaanno, abaaro iyo masiibooyinka kale oo dabiici ah ayaa sanadkan ka dhacay dunida daafaaheeda kuwaas oo galaagtay noloshaha aadanaha iyo duunyada kale. Malaayin qof oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku barakacay dhibaatada saamaynta isbedelka cimilada.
  7. Trump iyo isbedelka cimilada

    Shirka COP29 ayaa kusoo beegmaya kadib guushii Donald Trump ee madaxtinimada Mareykanka. Trump ayaan la dhacsanayn shirarka nuucaan ah, wuxuuna saxiixay xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa in dalkiisu ka baxo heshiiskii paris ee wax ka qabashada isbedelka cimilada.

    Mareykanka ayaa ah dalka labaad ee hawada kusii daaya qiiqa kaarboonka sida lagu sheegay xog kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here