Tuesday, December 3, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho: In ka badan 20 qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madagascar

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 22 qof ay ku geeriyoodeen xeebaha Madagascar kadib markii ay cellad soo gaartay laba doon oo ay saarnaayeen. 48 kale ayaa lasoo badbaadiyay, waxayna dowladdu sheegtay in daka dib loogu soo celin doono dhawaan.

Kismaayo: Murashaxiinta madaxweynaha oo khudbadahooda jeediyay.

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda diyaar garowgi ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha Jubaland oo lagu wado inay dhacdo berri oo Isninn ah. Murashaxiinta madaxweynaha ayaa maanta khudbadahooda ka horjeediyay Golaha wakillada iyada oo loo badinayo in Axmed Madoobe la dooran doono mar seddexaad.

Jigjiga: xuska caalamiga ah ee iskacaabinta daawooyinka jeermis dilayaasha ah

Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay xuska todobaadka caalamiga ah ee iskacaabinta daawooyinka jeermis dilayaasha ah. Ujeedka munaasabaddaan ayaa ah sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa habsami isticmaalka daawooyinka jeermis dilayaasha ah iyo waxyeellada ka dhalan karta isticmaalka qaldan.

Pakistan: Mucaaradka oo qorsheynaya mudaharaad ka dhan ah dowladda

Xisbiga mucaaradka ee Pakistan ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan, ayaa qorsheynaya inuu qabto mudaharaad ballaaran oo ka dhacaaya magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Dowladda ayaa xirtay waddooyinka waaweyn ee magaalada si looga hortago mudaharaadka, waxaana la filayaa in adeegyada internetka ee moobilada la hakiyo.

Afghanistan: Dad ku dhintay isku dhacya qowmiyadaha

Xiisado colaadeed ayaa weli ka jira xadka Afghanistan iyo Pakistan, halkaas oo ay ku dhinteen 70 qof afartii maalmood ee u dambeeyay.

Jabaan: Xuski ugu horreeyay ee dhibanayaasha shaqaalaha

Jabaan ayaa markii ugu horreysay lagu qabatay xus loogu talagalay shaqaalihii sida khasabka ahaa loo geeyay goobaha laga qodo macdanta dahabka ee jasiiradda Sado xilligii dagaalkii labaad ee Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay inaysan ka qeybgaleynin munaasabadda sababo la la xiriira khilaaf ka jira arrinataan.

Intii lagu jiray gumeysigii Jabaan ee Korea 1910-1945, dad badan oo reer Kuuriya ah ayaa si khasab ah loogu shaqaaleysiiyay , taas oo ka mid ahayd dhibaatooyinkii ugu xumaa ee dhacay xilligaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here