Wednesday, December 4, 2024

Dowladda oo tira is dhaafsan kasoo saartay tahriibayaal ku dhintay Madagascar

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa ayaa warbaahinta u kala sheegay laba tiro oo kala duwan kuna saabsan muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday xeebaha Madagascar, xilli ay ku jireen tahriib.

Wasiirku waxa uu sheegay inay geeriyoodeen 22 ruux halka lasoo badbaadiyay 48 qof kuwaas oo hadda ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar, isaga oo intaas raaciyay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo dadkii lasoo badbaadiyay.

Dhankiisa safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka badanyihiin 28 qof oo Soomaali ah , halka 48 kale ay waxyeello soo gaartay ka hor inta aysan soo badbaadin kalluumeysato u dhashay waddanka Madagascar.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira shan haween ah, sida ay sheegtay hay’adda badbaadada badda ee Madagascar. Dadkaan oo tiradooda lagu qiyaasay 70 ayaa kala saarnaa laba doon kuwaas oo ku celladoobay xeebaha waqooyi-galbeed ee Madagascar

Dhacdadaan waxay iftiimineysaa khataraha la xiriira socdaalka sharci darrada ah, iyada oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed uga cararayaan dalkooda xaaladaha amni darrada iyo dhibaatada dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya, oo kaashanaysa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM iyo UNHCR, waxay bilihii lasoo dhaafay dib ugu soo celisay dalka qaxooti iyo dad tahriibay oo ku sugnaa Tuuniisiya, Liibiya iyo Yemen, halka dalalka Yurub ee Jarmalka iyo Finland ay qorsheeynayan inay dib u soo celiyaan qeyb ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku nool dalalkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here